Share, , Google Plus, Pinterest,

Print

Posted in:

Kaydinta biyaha si loo sugo mustaqbalka Xadka Somaliland-Ethiopia”

Dumar badan waxay ku tahay socod dheer oo daal badan keliya inay biyo nadiif ah u helaan qoysaskooda

“Halkii Dhibic Kastaa Tirsanayd”

Alaybaday waa degmo qurux gaar ahaaneed leh oo dhacda xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliland.  Degmadu waa dhul qalayl-u-eke ah oo hesha roob yar, oo qiyaastii gaadha 650 millimetre sannadkii. Waa goob ay ku wareegsan tahay dhul boodh badan oo u nugul xaaladaha abaareed sidoo kalena dhulkaasi weyn waxa uu leeyahay geedo gaagaban oo ka soo geellu uga yimaado tuulooyin fog fog.

Dadka ku nool degmadani Allaybaday waxay waajahayeen xaalada biyo la’aaneed muddo dheer.  Dadka deegaanka ayaa waxa uu xusay, “  Waxaanu tagi jiranay meel aad u fog fog sida Jigjiga iyo Allabybada oo xadka dhinacyadiisa ku yaal si aan biyo u soo dhaansano.  Xaaladu run ahaantii aad bay u adkayd taasoo dadka ku kelifi jirtay inay lugeeyaan masaafo dheer si ay u gaadhaan goobaha biyaha leh oo ka fog 50 km iyo wax ka badan.”

Biyo lo’du cabto oo ceelka riigu qoday laga soo saaray

Xaqiiqda ah in biyuhu ku yar yihiin deegaankani, geel raacatadu waxay lugeeyaan masaafo aad u dheer si ay biyo ugu helaan qoysaskooda iyo xoolahoodaba.  Laakiin nasiib wanaag degmada Allaybaday waxay leedahay ceel-biyood , kaasi oo markii ugu horaysay ay dhistay Xafiiska Dawlad Deegaanka Itoobiya u Qaabilsan Horumarinta Biyaha sannadkii 2005ta.

Ceel biyoodkani waxaa loo dhisay si aan fiicnay, waxaana ka dhinaa waxyaabo aasaasi ah. Waxaa lagu xidhay beebab daxalaystay, qasabaduhuna way is xidheen iyadoo weliba meelaha xooluhu biyaha ka cabaana ay aad u gaabnayd oo si fudud xooluhu ugu daadan karaan.

Cabdishakuur Cali Aar, Madaxda Barnaamijyada ee HAVOYOCO-da Itoobiya, wuxuu noo sheegay, “Bamka biyaha soo tuuraa muu shaqaynayn oo si fudud biyuhu umay soo baxayan.  Dhamaan qalabka meeshu waxay u baahnayeen in la badalo gaar ahaa beebabka birta ah oo ay si weyn u dhibaataysay daxalku.”  Taasi waxaa dheeraa, “ Ceel biyoodku muu lahayn wax dabool ah, werwerka jirayna wuxuu ahaa in biyaha keliya ee la heli karayn may ahayn kuwo nadiif ah oo si wacan loo isticmaali karo.”

Oxfam iyadoo kaashanaysa HAVOYOCO waxay dadaalkeeda gaadhsiisay Allaybaday. Kooxdani waxay sameeyeen daraasad lagu ogaanayo baahida biyood ee deegaanka, waxayna doorteen in dib-u-habayn lagu sameeyo ceel-biyoodkani waayo wuxuu ku yaal goob aad u istiraatiji ah. Ceel-biyoodka Alleybaday waa mid noociisa ah eek u yaal goobtani, kaasi oo u  adeega dhamaan reer guuraga iyo xool-dhaqato beeralayda ku nool goobaha ku xeeran xadka Soomaalilaand iyo Itoobiya.

Kebede Tesema waa  ingineerka shirkada dhismaha ee Mola Taya kaas oo ka masuula dibu dhiska lagu samaynayo ceelbiyoodkan . Isagoo noo sharaxaya jidka ay soo martay dibu habayntani, wuxuu sheegay:” Alaabaha aad meeshan ku aragtaan waxa laga keenay goobo aad ufogfog sida Harta Sheekha, waxayna nagu qaadatay mudo labaatan cisho ah in aan ku dhamaystirno ceel biyoodkan. Ilaa imika waxaanu dibu habayn ku samaynay saddex goobood oo ay ka cabaan lo’da, geela iyo adhiga, sidoo kale dhamaan beebabkii daxalaystay iyo bamamkiiba waxaanu ku badalnay kuwo cusub oo casri ah.”

“Markuu ceelku qalalan yahay , ayaan ogaanaa qiimaha ay biyuhu leeyihiin.”

Ceel biyood did loo dayactiray

Cabdishakuur Aar wuxuu ku rajo qabaa ceel-biyoodka dib loo dhisay, wuxuuna aamin san yahay inay wax ka tari doonto xaalada biyaha , saamayna doonto xaalada nololeed ee kobcaysa ee reer Alaybaday.”Waxaynu dhamaan ognahay in bulshada reer guuraaga ah, ay halhays u leeyihiin “Biyuhu waa nolosha” taas oo run ahaantii macnaheedu tahay haddii aynu biyaha tashiilno, xataa dhibicda biyaha ah ee aynu haysano, waxay muddo dheer  wax ka tari doontaa inaynu sugno mustaqalka reeraheena iyo xoolaheenaba,” ayuu ku tiraabay.

Ceel-biyoodkani waxa uu wakhtigan waraabiyaa bulsho ballaadhan oo ku dhaqan Fafan iyo Jarar, gaar ahaan Daroor, Rabaso iyo  Abokor oo Ethiopia ah iyo  Farawayne, Baligubadle, Balicabane and Wajale oo  Somaliland ah.  Dararka xoolaha oo casriya ayaa lagu kordhiyay goobihii hore u jiray kuwaas oo biyo siiya ilaa lix kun oo xoolo ah iyo in kabadan kow iyo toban kun oo qoys.

“Goo biyoodkani waxay soo celisay rajada mustaqbal ee reer Allaybaday. Sidaad be arki karto wejiyada dadkan, aad ayay u rumaysan yihiin in ishan noloshu ay noqon doonto mid sii jirta isla markaana ugu filan inay biyo nadiifa ka helaan, gaar ahaan xiliyada dhulku qalalanyahay” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay.

Share, , Google Plus, Pinterest,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *